War Degdeg ah:Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad ah Ku Laalay Mashruuc Madaxtooyadu Tuurta Ku Siday Oo Haamaha Shidaalka Berbera Cid Gaar ah Loogu Wareejinayey
Hargeysa:Aug,30,2015(SDN/QJ)-Mudanayaasha Aqalka wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku hor istaagay Olole la Madaxtooyadu soo abaabushay oo la doonayey in Haamaha Shidaalka Berbera loogu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay.
Fadhi maanta loo ballansanaa, ayaa laga hor akhriyey Fadhiga, waxana Xildhibaan Maxamed Saalax oo ku hadlayey afka mudanayaasha mooshinkaas soo abaabushay uu halkaas ka akhriyey Aragtidooda, isagoo qodob qodob isku dul istaagay waxyaabaha ay kaga soo horjeedaan Wareejinta Haamahaa Shidaalka Berbera.
Intaas kadib waxa cod la geliyey in Mooshinkaas la mariyo shuruucda golaha oo sheegaya in muddo laga soo baaraandego iyo in goluhu haatan go’aan ka gaadho, waxana cod aqlabiyad ah lagu oggolaaday in Goluhu haatan cod geliyaan laalistiisa iyo oggolaantiisa.
Waxa oggolaaday 40-Mudane ayaa diiday in la laalo rabitaankii Haamaha shidaalka lagu wareejinayey, waxana diiday 9-mudane, halka ay 5-mudanena ka aamuseen. Waxana halkaas lagu diiday mashruucii xukuumaddu ku doonaysay inay Haamaha cid gaar ah ugu wareejiso.
SDN/QJ