|

War Degdeg ah:Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Soo Saartay Go’aan Lagu Furdaamiyey Murankii Ka Taagnaa Muddo-kordhintii Guurtidu Samaysay

Hargeysa:Aug,18,2015(SDN/QJ)-Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa goor dhaweyd soo  saartay tafsiir ay ka bixinaysay murankii ka taagnaa muddo-kordhintii Guurtidu xukuumadda u samaysay, taas oo uu hore madaxweyne Siilaanyo uga codsaday.

mawoloFadhi ay maxkamaddu maanta xarunteeda ku qabatay oo ay kasoo qaybgaleen Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi-qaran, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, xubno kasocday Deeqbixiyayaasha caalmiga ah ee Somaliland ka taageera Dhinaca Doorashoyinka iyo Hoggaanka Maxkamadda Sare ee oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Maxkamaddaas Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa lagaga dhawaaqay G’’aanka Maxkamadda, waxana Halkaas lagu shaaciyey wixii ay maxakamaddu xal u aragtay.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku dhawaaqay Go’aankaas, waxana uu shaaciyey inay Maxkamad ahaan si rasmi ah u ayideen Go’aankii Golaha Guurtida ee la xidhiidhay Mudd-kordhinta loo sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, isla-markaana uu Go’aankaasi  yahay mid sharci ah oo lagu dhaqmayo.

Sidoo kale Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, waxa uu sheegay inay maxkamadda Sare Si rasmi ah u laashay Heshiiskii saddexa Xisbi-qaran iyo xukuumaddu hore uga gaadheen Murankaas, isla-markaana uu ahaa mid sharciyadda Baalmarsan.

Go’aankaas, ayaa waxa soo dhaweeyey Guddoomiyayahaasha Saddexda Xisbi-qaran, waxana ay tilmaameen inay u hoggaamsani doonaan.

Go’aanka Maxkamadda Sare kasoo saartay Murankii ka aloosnaa Muddo-kordhintii loo sameeyey Xukuumadda, ayaa la filayaa inuu soo afjari doono Buuqii siyaasadeed ee Somaliland muddada ka taagnaa, iyadoo loo diyaargaroobi dooni doono sidii Doorashooyinka Dalka ka qorshaysan sanadka 2017-ku xilligooda ugu qabsoomi lahaayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed