|

War Degdeg ah:Guddoomiye Cirro Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Dagaal Aan Waxba la Isula Hadhin Saaka Ku Dhooqeeyey Mooshin ay Tunka ku Siteen Mudanayaasha Muxaafidka ahi

Hargeysa:Sep,12,2015(SDN/QJ)-Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku dhammaaday Buuq iyo dagaal xooggan oo dhex maray Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, kuwaas oo isgaadhsiiyey Dhaawacyo Fud-fudud.

kiiroFadhiga ayaa markii uu furmay waxa Guddoomiyaha la hordhigay Mooshin ay saxeexeen Xubno badan oo golahaasi kamid ah, waxase Guddoomiyuhu markii uu Yeedhiyey kadib Mudanayaasha ku wargeliyey in Doodda Xeer Hoosaadku sii socon doonto, isla-markaana aanu xeer hoosaadku oggolayn in aan mooshin laga keeni Karin Arrin lagaga dooday Fadhigan.

Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, ayaa iyagoo xintamaya isku tuurtuuray hadallo badan oo ka dhan ah habsami-u-socodkii Fadhigaas, waxana taasi markii dambe keentay in Feedh iyo dagaal aan waxba la isula hadhini ay dhex maraan Guddoomiye Cirro iyo ku-xigeenkiisa Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa mid waliba dhinaciisa dhulka ku dhacay, waxana soo kala dhex galay Shaqaale Hoosaadka Golaha, iyadoo labadaas Guddomiyena ay soo gaadheen DHaawacyo Fudud oo dhinaca Wajiga u badani.

Fadhigii golahaas ee Saaka iyo Buuq iyo qaylo badan kusoo dhammaaday, waxana halkaas lagu kala dareeray iyadoo aanu fadhigii xidhmin, iyadoo Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa mid walba dhinac loo jiiday.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed