|

War Degdeg ah: Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Booqasho Rasmi ah Ku Jooga Muqdisho iyo Nuxurka Shirar uu la Leeyahay Madaxda Soomalia

Muqdisho:May,05,2015(SDN/QJ)-Waxa taariikhda Markii ugu horraysay Booqasho rasmi ah Magaalada Muqdisho ku jooga Xoghayaha Arrimaha DIbadda Dalka Maraykanka John Kerry, kaas oo kasoo kicitimay Waddanka Kenya oo Deris la ah Somalia.

John KerryDiyaarad gaar ah oo uu la socday John Kerry, ayaa waxay ka soo cago dhigatay Garoonka Duulimaadyada ee Aadan Cadde, iyadoona si weyn ammaanka Garoonka loo adkeeyay.

Madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, ayaa waxay ku wada sugan yihiin Garoonka Aadan Cadde, kuwaa oo shalay ilaa saaka siyaabooyin kala duwan u soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxda Dowladda, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay gaareen Garoonka Aadan Cadde, waxaana hakad la geliyay dhaq dhaqaaqii guud ee Garoonka ka jiray.

Waxaa Socda Shirar Albaabadu u xidhan yihiin oo John Kerry iyo madaxda Somalida ku dhexmaraya Garoonka Aadan Cadde, waxana aan wali si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha laga wada Hadli doono.

Sidoo kale waxa Goobta ku sugan Diblomaasiyiin reer Galbeed ah, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalen.

Booqasada John Jerry ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay mid taariikhi ah, waana markii ugu horeysay muddo 24 sano ah, oo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu booqasho ku yimaado Caasimadda Somaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed