War Degdeg ah: Xildhibaan Xaabsade Oo Muqdisho Ku Geeriyooday
Muqdisho:Jan,25,2015(SDN/QJ)-Waxa saaka aroortii hore Cisbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia.
Xaabsade ayaa waxa uu maalmahaani ku xanuunsanayey Magaalada muqdisho, isagoona maalmo ka hor loo qaaday Isbitaal ku yaala magaalada Ankara, balse markii dib loogu soo celshay Muqdisho uu mar kale xanuunka kusoo booday.
Xanuunada uu Xildhibaanka u geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa Xanuunka Neerfaha iyo wadna-xanuunka, waxa uuna ugu dambeyntii u geeriyooday xanuunkaasi aroortii hore ee saaka.
Xildhibaan Yacquub Maxamed Cali, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Geerida Xildhibaanka waxa uuna sheegay in sababtu ay tahay xanuunka oo kusii xoogeystay.
Meydka xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Baydhabo oo ah halka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.
Xildhibaan Xaabsade ayaa kamid ahaa Mudanayaasha aqalka Baarlamaanka Somalia muddo dheer, waxana uu caanka ahaa Gebi ahaanba Gobolka Bay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com