|

War degdeg ah: Madaxweynaha Somaliland oo xilka ka qaaday 7 xubnood oo ka tirsanaa golihiisa Wasiirada, xubno kalena isku bedelay

Hargeysa 14, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilalkii ka qaaday 7 xubnood oo ka tirsanaa golaha Wasiirada xukuumaddiisa.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Afhayeenka Madaxweynuhu soosaaray, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilalkii ka qaaday wasiirada Maaliyadda, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiir kuxigeenka Khaarajiga, wasiir kuxigeenka Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa masuuliyiinta hay’addaha madaxabanaan.

Madaxweynuhu waxa uu wasiirka Maaliyadda u magacaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hore u ahaa guddoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo uu dhawr xubnoodna ka bedelay xilalkii ay hore u hayeen, wuxuuna warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:            Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:     Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:            In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:    In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

 

NO      Magac-yada Masuuliyiinta Cusub      Magacaabidda Wasaaradda loo magacaabay

1          Cabdicasiis Maxamed Samaale           Waxa loo magacaabay            Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

2          Axmed Cabdi Xaabsade

(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabay            Wasiirka  W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3          Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe)          Waxa loo magacaabay            Wasiirka W/Warfaafinta

4          Cali Siciid Raygal

(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)        Waxa loo magacaabay            Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

5          Maxamuud Axmed Barre (Garaad)    Waxa loo magacaabay            Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

6          Cabdilaahi Abokor Cismaan      (Xil Cusub)  Waxa loo magacaabay            Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka  ee W. Arrimaha Gudaha

7          Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)

Waxa loo magacaabay            Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah

8          Mawliid Maxamuud Ibraahim            Waxa loo magacaabay            Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda

9          Nuux Sheekh Muuse Ducaale             Waxa loo magacaabay            Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

10        Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay            Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha

11        Mudane Axmed Xuseen Oomane      Waxa loo magacaabay            Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-

No       Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday            Xilka uu hayey

1          Eng. Maxamed Xaashi Cilmi  Wasiirkii  W/ Maaliyadda

2          Prof. Ismaacil Muumin Aar    Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

3          Ilhaan Maxamed Jaamac         Wasiirkii  W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada

4          Dr. Axmed Xaashi Oday

Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda   Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta

5          Cabdi Siciid Faahiye   Wasiirkii  W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6          Warsame Siciid Cabdi            Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda

7          Maxamed Yoonis Cawaale     Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda

8          Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil          Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)

9          Axmed Cali Xirsi (Sulub)       Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed