War degdeg ah: Hargeysa oo yeelatay Maayar iyo kuxigeen cusub iyo tirada xubnaha qaadacay ka qaybgalka dhaarta
Hargeysa 23, Dec.2012 (SDN)- Golaha cusub ee deegaanka caasimadda Hargeysa, ayaa si rasmi ah u doortay Maayar iyo kuxigeen cusub, ka dib markii Maxkamadda gobolku goor dhawayd dhaarisay.
Dhaarinta iyo fadhiga u horeeyay ee golaha Deegaanka cusub ee lagu soo doortay doorashadii Deegaanka ee Nov.28, waxa ka maqnaa ilaa 10 xubnood oo ka soo baxay urur-siyaasadeedyada Xaqsoor, Waddani iyo xubin ka soo baxay xisbiga UCID.
Hase yeeshee, 15 xubnood oo ka soo kala baxay xisbiyada Kulmiye, UCID, urur-siyaasadeedyada Waddani, Dalsan iyo Rays ayaa fadhigoodaas ku doortay maayarka cusub ee Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka mid ah 7-da xubnood ee Kulmiye uga soo baxay Hargeysa, halka ay ku xigeen u doorteen wiil dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina Cagaweyne) oo ka mid ah 4-ta xubnood ee xisbiga UCID.
Ka dib markii cod loo qaaday, 15-ka xubnood ee madasha ka xaadiray waxay u codeeyeen inay xilka Maayarnimada u doortaan Eng. Yuusuf Warsame Siciid, halka ay kuxigeenkiisana sidaas si la mid ah ugu codeeyeen Cabdicasiis Cagaweyne.
Ilaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda xildhibaanada ah ee fadhiga baneeyay, kuwaasoo xilka Maayarnimo dhinacooda u qorshaynayay Cabdullaahi Aw- Aaden oo ka mid ah xubnaha afarta ah ee ururka Xaqsoor u soo baxay iyo maayar kuxigeenkana la doonayay Cabdirisaaq Xasan Faarax (Qawdhan) oo ka mid ah afarta xubnood ee ururka Waddani uga soo baxay Hargeysa.
Qurbejoog.com, Hargeysa