War degdeg ah: Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo beri la Soomayo iyo salaada Taraawiixda oo Hargeysa laga oogay
Hargeysa 19, July 2012 (SDN)- Masaajidada ku yaala caasimadda Hargeysa ee Somaliland, ayaa waqti yar ka kow laga oogay tukashada salaada Taraawiixda, taasoo xaqiijinaysa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Xilli hore oo fiidkii caawa ah, waxa curashada bisha Ramadaan ee sannadka 1433 ee taariikhda Islaamka shaacisay dawladda Qadar iyo dalal kale, sida Masar.
Ma jiro wax war ah oo ay ilaa hadda wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ku shaacisay bilawga bisha Ramadaan, taasoo muslimiinta ku waajibinaysa inay cuntada ka Soomaan.
Waxa jira warar sheegaya in dawladda Sucuudiga oo inta badan Soomaalidu ku xidhan tahay marka laga hadlayo bilawga Soonta, ay ku dhawaaqday inay beri bisha Ramadaan kow tahay, lagana soomayo guud ahaan shucuubta Islaamka.
Hase yeeshee, waxa la filayaa in goor dhaw wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed hadal ka jeediyo Telefishanka dawladda, kana hadlo curashada Ramadaan iyo meelaha bisha laga arkay.
Dhammaan bahda shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxay guud ahaan umaddaha Islaamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ku hambalyaynayaan curashada bisha Ramadaan.
Qurbejoog.com, Hargeysa