War Deg Deg Ah:Taliyihii Booliska Gobolka Saaxil Oo Goordhaweyd La Toogtay
Berbera – Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil Gashaanle Cabdirisaaq Casayr ayaa Dablay Hubaysan ku Toogteen Tulada lagu Magacaabo Tuulo Dhibiijo oo ku Taal Bariga Magaalada Berbera kadib markii ay is Rasaasayn Dhex martay Ciidan uu Hogaaminaayay Taliyaha Qaybta Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Casayr iyo Maleeshiyaad aan wali la Aqoonsan Ciday yihiin, Waxaa Kale oo dhawac soo Gaadhay Askari ka tirsan Ciidanka police oo lagu Magacaabo Maxamud Cabdi Xasan.
Sida uu u sheegay Gudomiye ku xigeenka Gobolka Xaamud Cabdilaahi ayaa xaqiijiyay in uu Geeriyooday Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil Gashaanle Cabdirisaaq Casayr dhaawac culusna soo Gaadhaay Askari ka tirsan Police oo lagu magacaabo Maxamud Cabdi xasan, iyadoona dhanka Magaalada Loo soo Wado Taliyaha Geeriyooday iyo dhaawaciiba waaa sida uu sheegay Gudomiye Ku xigeenka Gobolka Xaamud oo isagu haalkaas ku sugan Gob joogna ahaa markuu shiilkaas dhacay.
Wixii Warar ah Ee kasoo kordha Kala soco wararkayaga dambe insha alllaah