|

War Deg Deg ah:Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Tiro Badan oo Dhex Maray Laba Beelood oo Wada Dega Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag Iyo Khasaarraha Ilaa hada La Xaqiijiyey DAAWO

Ceerigaabo 01.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxa Xalay ilaa Saaka Dagaal ku dhex maray Deegaanka Bacaha ee Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag Laba Beelood oo Walaalo ah ka Sakow labada dhinac ee Dagaalku dhex maray Waxaa Goobta lagu diriray ku Geeriyooday Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo Ciidan uu Wataa ay kala dhex galeen Labada Maleeshiyo Beeleed.

Sida ay Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyeen Ilo Lagu Kalsoon yahay oo Ku Sugan Degmada Ceel Afweyn Todoba qof ayaa ku dhintay toban kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii deegaano ka tirsan gobolka Sanaag uu dagaal ku dhex maray, laba beelood oo wada daga magaalooyin ka mid ah gobolkaasi,Sidoo Kale Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Qaranka ayaa Geeriyooday.

Dagaalka ayaa billaabmay shalay galab, wuxuuna hakad xalay ku yimid kadib saaka dib uga qarxay deegaano kale, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Dagaalkan oo noqonaya markii labad ee uu beelahan dhex maro ayaa lagu guulaystay in la joojiyo kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay kala dhex galeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon oo Maanta Magaalada Hargaysa Kula Hadlay Warbaahinta ayaa Faahfaahin ka bixiyey Khasaaraha ka dhashay Dagaal Laba Beelood oo Walaalo ah ku Dhex Maray Deegaanka Bacaha ee Degmada Ceel Afweyne ee Gobolka Sanaag.

Comments are closed