|

War Deg Deg ah:Boqor Cabdilihii Sucuudiga Oo Geeriyooday Iyo Ku-xigeenkiisii Oo Xilka La Wareegay

Riyad:Jan,23,2015(SDN/QJ)-Waxa Xalay saqdii dhexe Geeriyooday Boqorkii Dalka Sucuudiga Boqor Cabdillah Binu Cabdulcasiis, waxana uu muddooyinkii ugu dambeeyye ku xanuunsanayey Cisbitaal ku yaalla Caasimadda Dalkaas ee Riyad.

cabdallWarka Geerida Boqorka, ayaa waxa xaqiijiyey sarkaal katirsan Boqortooyada oo  sheegay in boqorku dhintay kadib toddobaad uu la jiifay Xanuunka oofwareenka oo haleelay.

Boqor Cabdalla oo da’diisa aheyd 90-sano jir ayaa xilka Boqornimada la wareegay sanadkii 2005-tii, kadib markii uu geeriyooday walaalkiis ka weynaa Boqor Fahad.

Bayaan ka soo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in xilka Boqorka uu la wareegay walaalkiis oo ay isku aabaha yihiin oo lagu magacaabo Amiir Salmaan, kaasoo 79-sano jir ah.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa la saaray aayado qur’aan, iyadoo inta badan Sucuudiga looga dhawaaqay Tacsida Boqorka oo lagu wado in lagu aaso maalmahan soo socda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed