|

War Deg Deg ah Xisbiyada Siyaasada iyo Xukuumada oo ku heshiiyay Xiliga ay doorashooyinku dhacayaan iyo Madaxtooyada oo hada ay Xafladu ka socoto

Hargaysa 27.May 2015 (SDN/QJ)- Waxaa haatan Xarunta Madaxtooyada ka socota Munaasibad ay Sadexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadu qallinka ku duugayaan Heshiis is afgarad oo laga gaadhay Xiliga ay qabsoomayso doorashooyinka is barkan ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada.
Warku Waxa uu sheegayaa in si rasmi ah la isugu raacay in doorashooyinkaasi qabsoomaan bisha December ee Sannadka 2016 ka taas oo heshiis buuxa lagu yahay.

Dhinaca kale Xogaha ay helayso Shabakada Qurbejoog ayaa sheegaya in Sadexda Xisbi ay kala saxeexan doonaan Afar qodob oo lagu soo Uruuriyay Gundhiga Khilaafka waxaana ka mid ah Qodobada la kala saxeexanayo
1. In Xisbiyadu qadariyaan qaraarkii Golaha Guurtida ee Mudo kordhinta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada.

2. In labada Doorasho ee is barkan ee Madaxweynaha Iyo Golaha Wakiiladu Ay Qabsoonto Bisha 12 Ee Sanadka 2016 inkastoo ay isaga riixeen Komiishanka Doorashooyinka Cayimaada Maalinta Doorashada.
3. In Xisbiyada qaranku ay dhiirigelinayaan Maalinta ay doorashadu dhacayso.
4.Sidoo kale Waxay u soo Jeediyeen Madaxweynaha inuu degreeto ku ansixiyo maalinta ay doorashadu dhacayso kadib marka ay cayimaan Komiishanka Doorashooyinku..
Lama Hubo Sida ay Xoguhu sheegayaan in Afartaas qodob ay ku dhan tahay Qodobada lagu soo afjaray Khilaafka Siyaasadeed iyo in qaar kale weheliyaan.
Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Bartiisa facebook waxa uu Goor dhawayd ku faafiyay qoraal uu ku sheeagay in Mudadaas la isla qaatay ay wax badani ku suurto geli karaan.
“Sideed iyo toban bilood marka la eego dhamaystirka hawlaha ka qabyada ah Doorashada waa wakhti badan. Lakiin marka la eego dhinaca dhibaatoiyinka muuqda iyo kuwa qarsoon ee ku xeeran doorashadu waa wakhti yar oo hadii ay doorasho xor iyo xalaal ihi Somaliland si nabadgelyo ah uga qabsoonto bisha December 2016ka inagaa buro sidna ee ilaahay nabadqab ha inagu gaadhsiiyo.
Waxa la yidhi hadii sida aad jeceshahay waydo sidaad ka fursan waydo ayaa la yeelaa. Xisbiga UCID dadaal badan iyo tanaasul goor walba ah ayuu u huray in la soo gaadho halka caawa la joogo. La isma xaasido eh xisbiga UCID la’aantii halkan la is lama soo gaadheen ee waxay ku hiran karaysay meel daran iyo kala dhaqaaq. Bal ogowna cid wal oo kale muddo kordhinta saamigeeda ayay ka heshay marka laga reebo Xisbiga UCID oo isagu ah dhinaca keliya ee aan waxba ku lahayn mudo kordhinta lagu wadhwadhay. Waa qayb Ilaah oo hadana ma qawadin.
Faah faahinta Warkan Goor dhow Filo

Comments are closed