|

War Deg Deg ah: Waxaa Caawa Magaalada Burco Ku Geeriyooday Alle ha u Naxariistee Marxuun Mijir Qaadi Maxamud oo Ka Mid ahaa Weriyeyaashii ugu Horeeyay ee Warbaahinta Soomaalida

Burco 01. July 2017 (SDN/QJ):- Alle ha u Naxariistee Waxaa Caawa Magaaladda Burco ku Geeriyooday Marxuun Maxamed Maxamud Axmed oo Loo Yaqaanay (Mijir Qaadi Maxamud) Isla markaana ka mid ahaa Weriyeyaashii ugu horeeyay ee Warbaahinta ku hadasha afka Somaliga.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo Ka Guud ee Xisbiga Kulmiye Waxa uu Tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii Iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxay eebbe ha u naxariistee Marxuun Maxamed Maxamud Axmed oo Loo Yaqaanay (Mijir Qaadi Maxamud) Isla markaaana Kaalin Mug leh ka soo qaatay Halgankii dib u xoraynta waddanka.

Waxaa Kale oo Tacsi taas la mid ah Diray Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed,Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Dheere, Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye Xuseen Aadan Cade,iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Mudane Xasan Siciid Yuusuf.

Sidoo Kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, Ka Mas’uuliyiinta iyo Shaqaale weynaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in Marxuun Mijir Qaadi Maxamud uu ka mid ahaa Weriyeyaashii ugu horeeyay ee Warbaahinta ku hadasha afka somaliga mudo dheerna ku soo dhex jiray Mihnada Saxaafada Isagoo haatana ka mid ahaa Odayaasha Musdanbeedka u ah Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Waxaanu eebbe uga baryay inuu Marxuunka naxariistiisii Jano ugu deeqo qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marxuun Maxamed Maxamud Axmed oo Loo Yaqaanay (Mijir Qaadi Maxamud) Waxaa Maalinta Beri oo Axad ah Gelinka Hore lagu aasi doonaa Magaaladda Burco ee uu Caawa ku geeriyooday.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhun Raajicuun

Comments are closed