|

War Deg-Deg Ah: Wasiir Xagla-Toosiye Oo Ku Dhawaaqay In Uu Yahay Musharax Madaxweyne Ku Xigeen

Hargeysa,22Oct,2015(QJ/SDN)-Wasiirka wasaarada caafimaadka somaliland dr saleebaan ciise axmed xagla toosiye ayaa goor dhaweyd si rasmiya ugu dhawaaqay inuu yahay  musharax u taagan jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye, dr xagla toosiye ayaa hankiisan kaga dhawaaqay munaasibad ilyartu is qabsatay oo aan beesha harti iyo ta daarood ee soomaliland aanay u kala hadhin oo hada ka socota hotel umbasidor ee magaalada hargaisa, wasiir xagla toosiye oo mudooyinkanba la hadal hayay hankiisa siyaasadeed ayaa saamayn aad u balaadhan ku yeelanaysa siyaasada xisbiga kulmiye iyo ta soo maaliland ba hadalo aad loo soo laqimay oo uu munaasibada a jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladii wasiirka ”waxaan ahay musharax madaxweyne ku xigeen, waxa aan  rabaa in golaha xisbiga kulmiye iigu hiiliyaan sidii aan u badbadin lahaa somaliland sidii aynu midnimada u adkayn lahayn ma aha in cid qudha kooto loogu xidho madaxtinimada dalka waa in maanta mrkayagii lanoo daayaa si aynu uga dhabayno hankeena ah in somaliland is raacdo cidaad doontaan madaxweyne ka dhigta lkn ku xigeenka anaga noogu hiiliya”

Munaasibadan oo ay soo buux dhaafiyeen, siyaasiyiinta beesha daarood ee somaliland ku jira oo uu hor kacayo gudoomiye baashe maxamed faarax siyaasiyiin aqoon yahan xildhibaano wasiiro iyo dhalinyaro tira badan ayay beesha harti fariin adag ugu direen bulsahda somaliland waxa ay ka codsadeen in hadii dalka la wada leeyahay loo baahanyahay in saamigii daarood la helo waa sida ay hadalka u dhigeene, masuuliyiinta beesha daarood waxa y sheegeen in midnimada somaliland maanta ku xidhantahay iyadoo bulshadooda la tuso in ay is sharixi karaan lana dooran karo dalkana hogaamin karaan,

 

Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii u danbeeyayba beelaha dhulbahante iyo warsengeli ayaa iyagu go’aansanayay inay wax la qaybsadaan somaliland inteeda kale hase yeeshee ta;aabadan ayaa keeni karta isbedel weyn waa hadii golaha dhexe ee kulmiye beelaha daarood maanta u quudhaan inay ka mid noqdaan hogaanka dalka, hadii taa la waayo waxaa dhici karta in isbedel ku yimaado rejadii beelahaasi.

Comments are closed