WAR DEG DEG AH:-Wariyaasha Gobolka Hiiraan Oo Shirka Muqdisho ka Furay Ku Tilmaamay Mid Ku Saleysan Hab Qabiil
Baladweyne Jan 12,2016(SDN/QJ)-Naadiga Saxafiyiinta Hiiraan Journalists Club ee Fadhigodu Yahay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay halkan ku cadeynayaan in aysan qayb ka aheyn Shir lagu sheegay in Saxaafada Somaliya uu quseeyo oo muqdisho Kafurmay Maanta kaasi oo ah mid xaqiiqda ka fog.
Sababta ay u qaadaceen Wariyaasha Gobolka Hiiraan ayaa ah iyada oon lagu casuumin Shir…kaas taa badalkeedana ay si xadgudub ah ay Maamulka Gobolka Hiiraan ugu qortay Shirkaas Dad aan Wariyaal aheyn oo la shaqeeya Wasaaradaas kuwaa oo laga dhigayo in Wariyaal yihiin lana ogyahay habka musuq maasuqa dhanka wasaarada iyo maamulka gobolka ku sameyen xaquuqda saxaafada madaxa banan ee hiiraan ku sugan
“Gudoomiyaha Saxafiyiinta Gobolka Hiiraan Jamaal Cali Cabdi waa nasiibdaro in Wasaarad dhan ay isku daydo in xuquuqdooda hareermariso Wariyaasha Hiiraan taasi oo keeni karta dhaqamada nuucaan ah hadaan laga fiirsan in uu xumaado xiriirka Saxaafada Maamulka Gobolka Hiiraan”
Waxaa intaa dheer in Masuuliyiinta Ururka Saxafiyiinta NUSOJ ay awoodi waayeen in ay qaabeyaan Shirkaasi oo ay casuumaan Xubnaha Saxaafada u matalaya, waxaana jirta in Gobolada kalana la casuumin iyagana oo Wariyashooda ay la yaabanyihiin sheekada socota.
Ugu danbeyn waxan leenahay Shirkaasi waa mid ugaar ah wasaaradaha tagay in shaqsiyaadka been abuurka lagu keenay wixii kasoo baxana nama quseeyaan, wuxuuna lamid yahay shirkii lagu sheegay in loo qabtay dhalinyarada Somaliyeed ee lagu casuumay qurbajoog aan Afsomaliga xitaa aqoon.
SDN/QJ-Baladweyne