War Deg Deg ah: Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Magacaabay Wasiirka Amniga,Taliyihii Ciidanka Booliska,iyo Saraakiishii amniga oo Fashilkii ku yimid uu Xilkii kaga qaaday
Muqdisho 09.July 20014 (SDN/QJ)- R/wasaare Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa magacaabay wasiirka Amniga Qaranka, isagoo xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo nabadsugidda una magacaabay taliyayaal cusub.
Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dad waynaha xukumada Fereaalka Soomaaliya , Musftaf Sh. Cali Dhulow oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay wasaradda warfaafinta ayaa sheegay in is badal wayn lagu sameeyay lamaha amniga dalka, kadib weerarkii ay shabaab xalay ka gaysteen xaruunta madax tooyada Qaranka Soomaaliya, kaasi oo ay fashiliyeen cimadda dowladda.
Wasiirka warfaafinta ayaa tilmaamay in wasiirka Amniga Qaranka loo magacaabay, S/guuto Qaliif Axmed Ereg, iyadoo xilkii laga qaaday taliyihii ciidanka Booliiska S/guuto C/xakiin Daahir Sacid halka taliyaha cusub ee boliska loo magacaabay S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaciil , sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday agaasimihii hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana si KMG ah xilkaasi he’yadda u heynaya G/sare Maxamed C/llaahi Xaamud.
Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in R/wasaaruhu uu xeeriyay in taliyaha qeybta guud ee booliiska G/Banaadir iyo taliyaha booliiska G/Banaadir ay si toos ah u hoos tagayaan gudoomiyaha gobolka Banaadir.
R/wasaaraha ayaa faray wasiirka Amniga Qaranka inuu fuliyo amarkan islamarkaana uu si dhaqsa ah uga howlgalo sugidda amniga Qaranka, isagoo dhinaca kale hogaaminta booliiska iyo nabadsugida ku amray iney si adag oo dhiifoon u fuliyaan howshooda.
Go’aankan deg dega ah ee R/wasaare Dr. C/weli Sh. Axmed uu qaatay ayaa ka dambeeyay weerar ay ciidamadu fashiliyeen oo Kooxda alshabaab ku soo qaadeen xalay xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com