|

War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Mugleh Isku Shaandhayn Ugu Sameeyey Golahiisa Wasiiradda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda U Magacaabay Diblomaasi Ruug Cadaa Ah Maxamed Biixi Yoonis, Eryayna Wasiiro Kale Akhriso Liiska

Hargeysa25/Jun/2013(SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa wareegto xil magacaabis, eryis,iyo isku bedelid uu ku sameeyey golahiisa wasiiradda waxay u dhignayd sidani:

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:In ayhanan karaan xilalkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis

2.   Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Cali Maxamed Warancade

3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka  Shugri X. Ismaaciil Baandare

4.  Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)

5.Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal

6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta  Axmed Cabdi Kaahin

7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame

8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille

9.     Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees

10.     Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye

12.    Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil

13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda  Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

14.  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil

15.  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

16.   Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud

17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo MaalgashigaBashiir Cabdi Xariir

18. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

19.   La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

 

 
Waxaa Kale oo Madaxweynahu Xilalkii Ay Hayeen Ka Bedelay

1. Wasiirkii hore ee wasaaradda dibu dejinta Saleeban Ciise Kaar Xaglatoosiye waxaa loo bedelay wasaaradda caafimaadka Somaliland

2. Wasiirkii Hore ee ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waxaa Loo Bedelay wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta

3. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaa loo bedelay wasiirka ganacsiga.

4. Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cakuse waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Somaliland

5. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur Timacad waxaa loo magacaabay Wasiirka Wershadaha somaliland
6. Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire Waxaa loo magacaabay La Taliyaha madaxweynaha
7. Wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud, guryaynta Axmed Cabdi Xaabsade waxaa loo bedelay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha garsoorka iyo cadaaladda

Waxaa Kale Oo Madaxweynahu Xilalkii Ka Qaaday

1. Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur

2. Wasiirkii hore ee wasaaradda wershadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan

3. Wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle

4. Wasiir ku xigeenkii wasaaradda waxbarashada Cali Xaamud Jibriil

5.Wasiirkii Hore ee wasaarada Caafimaadka Dr Xuseen Maxamuud Maxamed (Xoog)

qurbejoog.com

Hargaysa

Comments are closed