War Deg Deg ah: Labada Guddoomiye-ku-xigeen Ee Golaha Wakiillada Oo Ajandaha Golahaas Ka Saaray Qoddobkii Reer Awdal Ka Xanaaqeen
Hargeysa:Aug,23,2015(SDN/QJ)-Labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, ayaa maanta ku dhawaaqay inay gebi ahaanba Ajandaha Golahaas ka saareen Qoddob muran badan dhaliyey oo ay hore uga biyo diideen mudanayaasha Golahaas kaga jira Gobollada Galbeedka Somaliland.
Shir jaraa’id oo Labadan Guddoomiye iyo xubnaha Golaha Galbeedka dalka kaga jiraa maanta ku qabteen xarunta Golahaas, ayaa waxa ay ku sheegeen inay Qoddobkii doorashada Golaha Wakiillada iyo Saamiga Gobolladu u qaybsanayaan ka Hadlayey laga saaray Ajandaha, waxana ay intaas ku dareen inay u saari doonaan Guddi gaar ah oo arrintaas kasoo talo bixisa.
Xildhibaanada Reer Awdal ayaa taas beddelkeeda loogu baaqay inay fadhiyada caadiga ah ee Golaha kasoo xaadiraan haatan wixii ka dambeeya, maadaama laga saaray Qoddobkii ay ka cadhoodeen oo dhinaca saamiga la xidhiidhay.
Mudanayaasha Reer Awdal ayaa ballan qaaday inay fadhiga kusoo noqon doonaan, isla-markaana si bilaa turxaan ah ay uga shaqayn doonaan doodaha Golaha iyo ansaxinta Xeerarka Caadiga ah ee la isku waafaqsan yahay.
Tallaabadan ayaa waxa laga riixayaa dhinaca madaxtoyada, waxana laga faa’iidaysanayaa inta Guddoomiyuhu ku maqan yahay safar dibadda ah, waxana hubaal ah inaanay shirguddoonku awood u lahayn inay Shir Guddoonku Go’aan gaar u ah ku laalaan Qoddobo ku Jirey Ajande Goleweynuhu ansixiyey.
SDN/QJ