|

War Deg Deg ah Laanta Sirdoonka Somaliland oo Badhtamaha Hargaysa ka Qafaashay Laba Wariye oo ka Tirsan Warbaahinta Madaxa Bannaan

Hargaysa 29.May 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka sirdoonka Somaliland ayaa gudaha magaalada Hargeysa goor dhawayd ka qabaafshay laba wariye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan,labadan wariye oo kala ah C/rashiid Sheekh C/wahaab Sheekh Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Wargayska Foore iyo sidoo kale Cabdi Xasan oo ah Madaxa Dhaqaalaha Bulsho Tv,

Afduubka labada wariye oo ka dhacay agagaarka huteel Emperial e magaalada Hargeysa iyaga oo ku qasbay in ay saaraan gaadiidkii ay wateen kana qaaday Moobiladii,

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Cabdi Jaamac Xuuto oo warbaahinta arintan u xaqiijiyey waxa uu sheegay in aan wariyayaashaasi loo marin sheraciga isla markaana aan la gayn goobahii loogu talo galay in dadka lagu xidho balse ay ciidankaasi Sirdoonku geeyeen Kuna xidheen Guri gaar ah oo ay ciidamada Sirdoonku leeyihiin,

Waxaanu Gudoomiyuhu canbaareeyey dhacdadan ay ku kaceen ciidanka Sirdoonka Somaliland

Ciidanka Sirdoonka ee xidhay Wariyayasha ayaa waxa hogaaminaaya taliyaha Laanta Sirdoonka Gobolka Maroodi Jeex.

Wixii ka soo Kordha Warkan kala Soco Shabakada Qurbejoog.

Comments are closed