War Deg Deg Ah: Dhaawac iyo Dhimasho Ka Dhalatay Dagaal Beeleed Ka Qarxay Deegaanka Dharkayn-geeyo Ee Gobolka Sool
Laascaanood,28july,2015(QJ/SDN)Wararka naga soo gaadhaya gobolka sool gaar ahaan deegaanka dharkayn-geeyo oo ku yaala xuduudka u dhaxaysa Somaliland iyo itoobiya, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaalameen laba beelood oo kala taabacsan Somaliland iyo maleeshiyada kooxda Khaatumo ee ka dagaalanta gobolada bariga Somaliland, dagaalkan ayaa bilaabmay galabnimadii shalay sida uu shabakadda Qurbejoog.com uu u sheegay qof goobjooge ah oo ku sugan deegaanka ay shaqaaqadu ka dhalatay, dhimashada ayaa saddex ruux kor u dhaafaysa halka dhaawacuna uu toboneeyo gaadhayo.
Ma jirto illaa hadda cid u kala gurmatay labada beelood ee dirirtu dhex martay balse dagaalka ayaa hadda si iskii ah u joogsaday, waxaana laga cabsi qabaa in markale halkaasi uu ka qarxo dagaalku, maadaama labadii ciidan ay is hor-fadhiyaan. dhaawaca ayaa loo kala daad-gureeyay magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe. Balse markii danbe dhaawacii magaalada Laascaanood la gaadhsiiyay waxa loola cararay magaalada Garoowe ka dib markii xaaladooda caafimaad waxba looga qaban kari waayay cisbitaalka magaaladaasi sida uu noo xaqiijiyay qof ka mid ah hawl-wadeenada caafimaadka ee magaalaa Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee waxaan illaa hadda la ogayn halka ay ku danbayn doonto xaaladda deegaanka Dharkayn-geeyo oo ah goobta ay shaqaaqadu ka dhacday.
Wixii warar ah Ee kasoo Kordha Dagaalkaasi Halkan kala soco Insha Allaah.