War Deg Deg Ah: Dagaal Hadda ka Socda Deegaanka Banka Qool-cadey
Hargeysa, 23,4,2016 (QJ/SDN) – War deg deg ah oo hadda nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in uu hadda dagaal ka socdo deegaanka Banka Qoolcadey oo ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo ciidamada dowaladda Somaliland iyo Malleeshiyo beeleed halkaasi ku sugan, iyadoona lasoo sheegay in dagaalkani uu sababay Riig halkaasi saaka subaxnimadii la geeyay.
Dagaalka ayaan illaa hadda wax khasaare ah laga soo warin, wallow ay wararka qaar sheegayaan in uu jiro dhaawac soo gaadhay ciidanka dagaallamay, iyadoona xabbadu ay hadda halkaasi ka socoto.
Ma jiraan warar madax-bannaan oo laga helayo goobta uu dagaalku ka socdo, iyadoona ay adagtay in xidhiidho lala sameeyo dhinacyada goobta ku dagallamaya khadadka telefoonada oo aad u liita.
Warar kale ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa ay ka baxeen ciidamo ku wajahan goobta dagaalku uu ka socdo, kuwaasi oo katirsan ciidan dowladda Somaliland.
Ugu danbeyntii, deegaanka banka qoolcaday ayay xukuumadda Somaliland ka waddaa qorshe ay ku xidhayso seeraha Banka Qoolcaday, inkastoo dadka deegaanka qaarkood ay kasoo horjeedaan.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe Insha Allaah.