War Deg Deg Ah: Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Cadaado
Cadaado — Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Cadaado, waxa uuna u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Milatariga Soomaaliya oo la sheegay in ay isku qabsadeen lacago guno ah oo la siinayay qaar kamid ah Ciidanka, waxaana arintaasi ka carooday ciidamo kale oo gunadooda kasoo daahday , waxaana sidaasi ku qarxay dagaalka u dhaxeeyay ciidamada milatariga.
Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee maanta dhax maray ciidamada kawada tirsan Dowlada, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in ciidamadii dagaalamay lakala qaaday lana kala dhax galay.
Gudoomiyaha Magaalada Cadaado oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Cadaado uu ahaa mid dhax maray Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan xerada 21-aad, waxa uuna sheegay in ciidanka ku dagaalameen lacago guno ah oo ciidamada qaar loo qeybinayay.
Waxa uu Gudoomiyaha Xusay in dagaalka uu hada istaagay ayna ku guuleesteen in lakala qaado, waxa uuna ka codsaday dadka ku dhaqan Magaalada Cadaado in ay is dajiyaan , isagoona ka raali galiyay shacabka waxii maanta ka dhacay magaalada uu Gudoomiyaha ka yahay.
Magaalada Cadaado ayaa aheed magaalo nabdoon oon inta badan looga baran in ay ka dhacaan dagaalo, waxaana dagaalka maanta ka dhacay gudaha iyo duleedka magalaadaasi ay qal qal ku abuureen dadka halkaasi ku dhaqan.