War deg deg ah: Ciimada ammaanka Hargeysa oo xabsiga u taxaabay Boqor Buur-madaw oo saaka ka soo degay Egal Airport
Hargeysa, 15, Mar (SDN)- Ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa ayaa goor dhaweyd xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-madaw) oo ka soo degay madaarka Egal Airport.
Warbaahinta qaarkeed ayaa saaka bogaga hore ku soo qoray in la filayo in Boqor Buur-madaw ka soo degayo, madaarka magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay inuu wax ka qabanayo colaadaha ka taagan deegaannada bariga Somaliland.
Sida ay hawl wadeennada madaarku u xaqiijiyeen Shabakada Wararka Somalidispora Boqor Cismaan Buur –madaw ayaa markii uu ka soo degay madaarka ay ciidamadu ammaanku gacanta ku dhigeen, iyadoo gawaadhida ciidamada ammaanka mid ka mid ah lagu qaaday, balse sida ay sheegeen qaar ka mid ah hawl wadeennada Madaarku lama xaqiijin karo halka ama saldhiga lagu xidhay Boqor Buur-madaw.
Ilaa hadda si rasmi ah ugamay hadal masuuliyiinta Xukuumaddu, iyadoo lala xidhiidhinayo xadhiga Boqor Cismaan inuu daba socda hadalo uu hore ugu duray Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadda uu hogaanka u hayo.
La soco wixii war ka soo kordha xadhiga Boqor Buur-madaw
SDN, Hargeisa Somaliland