War Deg Deg ah: Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo mar kale dib ula wareegay Magaalada Marka
Marka — Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada milatariga Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gordhaw la wareegeen qeybo badan oo kamid ah Magaalada Marka.
dagaalayahanadii Al-Shabaab ee gacanta ku hayay magaaada Marka labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa saakay aroor hore isgaa baxay magaalada , waxaana gudaha u galay Marka Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo wada socda.
Ciidamada Milatariga ee la wareegay magaalada Marka ayaa ah kuwa maalintii shalay ka baxay magaaada Muqdisho , kuwaa oo loogu tala galay in ay awood u adeegsadaan sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen magaalada Marka.
Xaafadaha qaar ee magaalada Marka ayaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah, waxaana wali xasilooneyn xaalada magaalada oo malamihii lasoo dhaafay marar kala duwan gacan ku heynteeda ay isku badashay labo dhinac.
Dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in Magaalada Marka ay hada gacata ku hayaan ciidamada Dowlada iyo kuwa MAISOM, ayna dib ugu laabteen xarumihii maamulka iyo kuwa ciidamada ay ku lahaayeen magaalada Marka.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah