WAR DEG DEG AH:- Cabdikariim Xuseen Guuleed Oo Ku Guuleystay Doorashada Gobolada Dhexe Gal-Mudug.
Cadaado;4july,2015(QJ/SDN-)Wasiirkii hore ee amniga dowladda fadaraalka soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa noqday madaxweynaha gobolada dhexe ee Soomaaliya Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa loo doortay Jagada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug kadib markii doorasho la isku rafaaday la isla gaadhay wareegii 3 aad.
3 Wareeg ayaa loo baahday si loo helo Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Wareegii 3 aad ayaa waxaa isugu soo hadhay Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya iyo Madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya Axmed Macalin Faqi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacali Casir ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, isagoo sheegay in Cabdikariin Guuleed helay 49 sidaas darteed uu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Axmed Macalin Faqi ayaa helay 40 cod