|

War Deg Deg ah: Baarlamanka Cusub ee Somalia oo Doortay Gudoomiye Ku Xigeenada 1aad iyo 2aad Kadib Loolan adag oo la Galay

Muqdisho 12. January 2017 (SDN/QJ):-Waxaa hada soo dhamaatay tirinta codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kursigan ku tartamayay labada Musharax ee kala ah Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Faarax C/Qaadir.

Doorashadan oo aheed mid aad u adag ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Musharax Cabdiweli Ibraahim Muudey oo helay codad gaaraya 165-Cod halka Musharax Faarax C/Qaadir uu isna helay codad gaaraya 93-cod kaliya

Shir Gudoonka KMG ayaa la filayaa in goordhaw si rasmi ah ugu dhawaaqaan Natiijada doorashada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka , waxaana hada bilaabaneysa tirinta codadka doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad.

Dhinaca Kale Waxaa soo gabo gaboobay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana goordhaw Xildhibaanada Baarlamaanka ay doorteen Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku guuleestay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna helay codad gaaraya 169-cod Musharax Xildhibaan C/Qaadir Bagdaadi uu isna helay 85-cod.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaana doortay Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hogaamin doona afarta sano ee soo socota, waxaana dhawaan la filayaa in Xildhibaanada labada Aqal ay doortaan Madaxweynaha Somaaliya .

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan aheed mid xiiso gaar laheed, waxaana meesha ka baxay Musharxiin dhoor ah oo loo saadaalinayay in ay tartanka ku guuleesan doonaan.

Comments are closed