War Deg Deg Ah: Al-Shabaab oo Goordhaweyd la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Marka
Marka — Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi ay gudaha u galeen lana wareegeen qeybo kamid ah Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ,kuwa Dowlada Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleed magaalada Markaku sugnaa ayaa isaga baxay , waxaana hada qeybo kamid ah maagaalada lagu arkayaa dagalayahano wajiyada u xidhan yahay aadna u hubeesan sida ay ku warameen dadka deegaanka.
Dagaal ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Marka, kaa oo dhax maray Ciidamada Dowlada iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana hada magaalada Marka ka jirta xaalad cabsi aad u daran.
Calanka madow ee astaanta u ah dagaalyahanada Al-Shabaab iyo islaamka yaa laga taagay qeybo kamid ah magaalada Marka, waxaana maanta aad u yar isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana inta badan xidhan goobaha ganacsi ee magaaladaasi.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka baxay magaaalada Marka ayaa u baxay dhinaca Deegaanka Shalaambood, waxaana saldhigyadii ay ciidamadaasi ka baxeen qaarkood la wareegay Al-Shabaab
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Magaalada Marka iyo kan Shabeelaha Hoose oo ku aadan in Al-Shabaab qabsadeen magaalada Marka, waxaana saraakiil katirsan Al-Shabaab ay dhankooda xaqiijiyeen in ay la wareeeen Magaalada Marka.