War Deg Deg Ah: 140 Ruux Oo Ku Geeriyootay Rasaas iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Paris Ee Caasimada Dalka Fransiska
Paris,14 Nov,2015(QJ/SDN)- Ugu yaraan 140 qof ayaa ku geeriyootay weerarro iskugu jira qaraxyo iyo rasaas oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in dablay ay rasaas ku furtay isla markaana ay qaraxyo ka gaysteen dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Paris.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan qof dablay ah uu rasaas ku furay maqaayad ku taalla badhtamaha magaalada Paris.
Weerar kale oo qarax ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay makhaayad u dhow garoonka kubadda cagta ee Stade de France oo ay ciyaar ku dhaxmaraysay xulalka Faransiiska iyo Jarmalka.
Wararku waxay sheegayaan inay jiraan dad afduub ahaan loo qabsaday.
Dalka Faransiiska waxaa lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah, xaduudaha dalkaasna waa la xidhay, Dadweynaha Magaalada Parisna waxaa loo sheegay in aanay guryahooda ka bixin.
Ku dhawaad 1,500 oo Askari ayaa la geeyay goobta uu weerarku ka dhacay.
Geesta kale, madaxda caalamka ayaa intooda badan ay canbaareeyeen weerarkan, waxaana ka mid ah madaxda Canbaareysay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Brack Obama isagoona sheegay in weeraradan looga gol leeyahay in dadka rayidka ah lagu argagixiyo.
Ugu danbeyntii, Weeraradan ayaa dhacaya dhowr toddobaad ka hor iyadoo ay magaalada Paris ku ballansan yihiin madaxda caalamka si ay uga shiraan isbeddelka cimilada dunida.
Wixii warar ah ee kasoo Kordha Arrintaasi kala Soco Somalidiasporanews.Com