|

War Cusub Oo Kasoo Kordhay Weerarkii Xalane Iyo Uganda Oo Qiratay Khasaare Ka Ballaadhan intii AMISOM Sheegatay

Kampala:Jan,08,2015(SDN/QJ)-Shaki badan ayaa soo kordhay war dhawaan ay AMISOM ka sheegtay weerarkii lagu qaaday Xaruntooda Xalane, kaas oo ay ku sheegeen in kaliya ay  halkaas ku waayeen shank a mid ah ciidankooda, waxana soo baxay war cusub.

dhorWargeyska  New Vision oo kasoo baxa dalka Uganda oo soo xiganaya wasiirka difaaca dalkaasi Dr. Crispis Kiyonga ayaa baahiyey in tiro baddan oo ciidankooda ah lagu laayey Weerarkii lagu qaaday xalane, isagoo intaas ku daray in agab badan oo militeri ay Somalia kaga burbureen balse aan mag dhaw laga siinin.

Wasiirka ayaa sheegay in askarta laga diley 8 ka mid ah lagu diley weerarkii xarunta Midowga Afrika ee Muqdisho ee Xalane, kaasi oo dhacay 25-tii Discembar, 2014-ka.

Wasiirka ayaa ka hadlayay shir laba maalmood ah oo Kampala ka socdey, kaasi oo ay isugu yimaadeen wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in qalabka kaga burburey Soomaaliya ee ay magdhowda uga baahanyihiin ay jiraan dayuuradaha helicopter-ka oo kaga burburey buuraha Kenya sanadkii 2012-kii.

Markii uu weerarkii Xalane dhacay, AMISOM waxa ay sheegtey in 4 qof oo kaliya ay kaga dhinteen weerarka, waxaana iminka muuqata inay ka been sheegeen tiradaas, lagana yaabo in weli ay qarinayaan tirada dhabta ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed