War cusub oo Ka soo Kordhay Diyaaraddii ku Burburtay Garoonka Aadan Cadde iyo Qaar ka mid ah Dadkii Ku Dhintay oo La Ogaaday
Adisababa:10-Aug-2013 (SDN) Waxaa isa soo Taraya wararka ku saabasan diyaardii ku gubatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxana haatan la sheegayaa in sarkaal ka tirsan Ciidamadda Cirka Dalka Itoobiya uu ku geeriyooday diyaaradda.
Wargaysyada ka soo baxa Dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu qorey in Raggii ku geeriyoodey Diyaaraadii laga lahaa Dalka Itoobiya ee ku burburtey Garoonka Aadan Cadde uu ku jirey Agaasimaha Ciidamadda Cirka Dalkaasi Itoobiya, waxaa sidaasi lagu qorey Majalada Taadhiyas ee ka soo baxda Dalkaasi Itoobiya.
Sarkaal horey uga tirsanaa Ciidamadda Cirka Dalkaasi Itoobiya oo aan Magaciisa la shaacin ayaa waxaa uu sheegey in Agaasimuhu uu ku jirey Dadkii ku Geeriyoodey Diyaaradii Burburtey.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dowladd Itoobiya oo ku aaddan diyaaradii shalay ku burburtey Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo khasaarihii ka dhashay.
Warkan ay qortay warbaahinta dalka Ithiopia, ayaa haddii uu jiro waxa uu dhabar jab weyn ku yahay Dawladda Ethiopia maadaama ay ku weyday haldoorkii ciidankeeda cirka, waxana ay ilaa iyo hadda dawladu diidan tahay inay ka hadasho khasaaraha ka dhashay diyaaraddaa iyo cidda saarnay midnaba.
Somalidiasporanews.com