War-bixin Xukuumadda ku Eedeysay inay Indhaha ka qarsato Gabood-fallo Dadka La Hayb-soocaa kala kulmaan Qabaa’ilka kale, Booliska & Maxkamadaha oo Musuqmaasuq lagu dhaliilay
Accra 8. February,2016(SDN/QJ):– Warbixin lagaga hadlay korodhka falalka kufsiga ee Somaliland ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka waaweyn aanay ixtiraamin dadka la hayb-sooco, maaddaama aan ciqaabo badan la marsiin falalka ay ka galaan.
Sida lagu baahiyey warbixin urur lagu magacaabo SIHA, oo ka shaqeeya arrimaha haweenka Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudahu caddeysay in Maxkamadaha dalka qaarkood shuraako la yihiin dhallinyarada falalka kufsiga gaysta.
Urur u dooda xuquuqda dadka la hayb-sooco oo loo soo gaabiyo VOSOMWO ayaa lagu sheegay warbixinta inuu keydiyey kiis dil loo geystay qof ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco ee Gabooyaha.
“…[04 Dec, 2013, iska horimaad dhexmaray Qoys Qabaa’ilka waaweyn iyo qoys beelaha la hayb-sooco, ayaa keenay in lagu dilo Haweenay, laakiin, Dadkii geystay way baxsadeen, lamana xidhin.”ayaa lagu yidhi War-bixintan oo uu Maalgeliyey Ururka SIHA oo ay diyaarisay Haweenay lagu magacaabo Ms. Alicia Luedke, oo jaamacad ku taal dalka Kanada wax ka dhigata.
Marka loo eego dembiyada dhalinyarada kooxahu geystaan, Wasaaradda Arrimaha Gudahu waxay sheegtay in maxkamadaha iyo dhalinyaradu xidhiidh leeyahiin, “Qaar ka tirsan maxkamadaha iyo dhalinyaradu way wada shaqeystaan. Marka loo soo xidho kufsi ama xatooyo dhalinyarada, maxkamadahu way sii daayaan, intay ka qaataan laaluush yar..” ayaa War-bixinta lagu yidhi.
Hadal ay sheegtay Haweenay derajo sare ka haysata Ciidanka Booliiska Somaliland oo War-bixintu soo xiganeyso, ayaa tidhi, “Wuu jiraa kufsi, laakiin, maaha sida hay’adaha NGO iyo kuwa caalamigu u buunbuuniyaan. Baadhitaan ciidamada CID samaysay waxa lagu ogaaday inaan Gabadha la kufsan, balse, Haweenaydu nabarada isu gaadhsiisay si ay gargaar dhaqaale uga hesho hay’adaha.”
Sidoo kale War-bixintan ayaa lagu sheegay in wareysi laga qaaday dadka deggan xaafadda state house ee Hargeysa ku sheegeen in ciidamada booliisku laaluush weydiiyaan,
“Hadaan tagno Saldhigga, booliisku waxay na weydiiyaan lacag, annaguna ma haysano, maxkamaduhu waxay rabaan lacag, markaa waxaan u tagna Odayaasha.”
War-bixinta, ayaa intaa ku dartay in Xukuumaddu aanay wax weyn ka qabanin dhibaatooyinka Dadka la hayb-sooco, maaddama aanay saamayn badan ku lahayn miisaanka Qabaa’ilka waaweyn.
Ururka SIHA ee warbixintan diyaariyey ayaa sheegay inay wada shaqeyn leeyahiin 11 Ururo maxali ah oo Somaliland ka dhisan kana mid yihiin, WADA, NAGAAD, VOSOMWO, SOWRAG, WHEEA, NAFIS NETWORK, BVO, SWLA iyo WAAPO.
Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu eedaha waaweyn ee lagu baahiyey warbixintan wax ka weydiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Qorsheynta ayaanay u suurtoobin ka dib markii telefoonadooda ay qaban waayeen labada Wasiir ee madaxda ka ah.
Sidoo kale Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu faahfaahin ka helo Ururrada maxaliga ee la sheegay inay wada shaqeyn wadaagaan oo xidhiidh aanu la samaynay, ayay Afka ka xidheen inay ka hadlaan siday u arkaan warbixintan dhaliilaha kala duwan loogu jeediyey hay’adaha amaanka Somaliland.
Sidoo kale, Wargeyska Himilo oo xidhiidh la sameeyey madaxda jaamacadda UBC ee Kanada oo haweenayda warbixintan qortay wax ka dhigato si uu faahfaahin dheeraad ah uga helo caddaymaha ay u hayso iyo inay qaadayaan masuuliyadda wixii ka yimaadda ayaanan wax jawaab ah ka helin.