War-bixin: Qaaxada Ku Dhacda Maskaxda Oo Faro-baas Ku Haysa Shacabka Boqortooyada Ingiriiska
London 07. February 2017 (SDN/QJ):- “In qaaxadda maskaxada ay kugu dhacdo aad ayay u xanuun badan tahay. Mararka qaarna waxaan damcaa in aan madaxa iska jaro oon is ag-dhigo”.
Johnny Islam oo 29 jir reer London ah xanuunkan uu qabo ee Qaaxadda in uu maskaxda ku dhaco waa mid naadir ah, balse xanuunka laftiisu ma aha.
Xannuunkan ayaa wakhtiyo aad u fog dad badan ku dhici jiray, waxaana laga soo qaaday in Adduunka laga cidhib tiray wakhti hore. Laakiin kiisas badan oo xannuunka ah ayaa lagu arkay magaalada London oo mar loo yaqaanay caasimaddii Qaaxada ee Galbeedka Yurub.
Xanuunkan ayaa beddalay noloshii Johnny, waxaana laga yaabaa inuu u gaysto dhaawac wakhti dheer haysta amaba uu dilo.
Wuxuu yidhi “Waan ka baqaa in aan bannaanka tago, waana ka baqaa in aan kaligay wax qabsado waayo? wakhti kasta ayaan miyir daboolmi karaa. Unugyada maskaxda oo dhan ayay ku faafi kartaa, xasuustaada ayayna dhaawici kartaa, mar kastana wax baan iloobaa. Qof kasta maalin uunbuu dhiman, xanuunkan inuu i dilo ayaa laga yaabaa, wax kastana way dhici karaan”.
Tiknoolajiyadda Taleefanka Casriga ah.
Macluumaadkii u dambeeyay ee bakteeriyadu wuxuu muujinayaa in xaddiga Qaaxada ee qaybo ka mid ah magaaalada London uu ka sareeyo kan qaar ka mid ah dalalka soo koraya sida, Ciraaq, Liibiya iyo xataa Yemen.
Waa caabuq bakteeriyo oo inta badan bartilmaameedsada neef mareennnada, laakiin weerari kara qayb kasta oo jidhka ka mid ah, intiisa badanna waa la dawayn karaa.
Qaaxadu waxay ka mid tahay xanuunnada hawada lagu kala qaado haddii qof qaba uu kugu af qufaco ama kugu ag-hindhiso.
Laakiin, xaaladda Johnny ayaa naadir ah oo adag, in ka badan sanad ayuuna qaadanayaa 12 nooc oo kiniinka antibiyootigga ah ah.
Wuxuu ka qayb qaataa muuqaal dawayn, taas oo ah in uu taleefan casriya iskaga duubo muuqaal isaga oo dawada qaadanaya ka dibna u diro shaqaalaha caafimaadkiisa qaabilsan isaga oo sii marinaya hannaan ammaankiisa la adkeeyay, sidaas daraadeed dhakhaatiirtiisa ayaa xaqiiqsanaya in aanu dawada kala jaraynin oo uu sidii loo baahnaa u qaadanayo.
Hannaankan markii u horaysay waxaa billaabay jaamacadda University College London, iyada oo la kaashanaysa cisbitaallada jaamacadda University College London. bukaanada ayaana iska duuba marka ay dawada qaadanayaan iyaga oo adeegsanaya taleefan casriya oo hawshaas kali ah lagu qabto.
Arrintaas ayaana lagu tilmaamay in ay wax wayn ka beddali doonto dagaalka lagula jiro Qaaxada ee UK.
Natiijaddii hor-dhaca ahayd ayaana muujisay in 80% ay bukaanku dhamaysteen dawadii iyagoo tiknoolajiyaddaas adeegsanaya, taas ayaana wadada u xaadhay in loo adeegsado kiisaska adag sida kan Johnny.
Malaayiin doollar ayaa lagu maalgaliyay isku dayga lagu cidhib tirayo Qaaxada iyadoo loo arko dhibaato caafimaad oo bulsho.
Sanadkii 2015kii UK waxaa laga diiwaangeliyay 5,758 ruux oo xannuunka Qaaxadu ku cusub yahay – ku dhawaad 40% dadkaas waxay ku noo laayeen magaalada London.
Wakhtiyadan dambe waxaa hoos u dhacay guud ahaan xannuunka, laakiin waxaa sare u kacay dadka halista ugu jira ama ay adag tahay in la daweeyo, kuwaas oo ay ku jiraan dadka hoy la’aanta ah. kuwa daroogada sida xun u isticmaala amaba dadka xabsiyada ku jira.
Helitaanka dadku uu cudurku ku cusub yahay ayaa adag – markaas waxaa xiga in ay joogteeyaan dawayn wakhti dheer soconaysa oo tan ugu yar ay tahay lix bilood oo la isku darayo antibiyootikyo kala duwan.
Bukaannada ayaa inta badan kala gooya dawada, taas oo sababta in uu xannuunku ka sii daro, bakteeriyaduna ay noqoto mid u adkaysata dawada.
Khuburada caafimaadku waxay rajaynayaan in ay arrintaas gacan ka gaysan karto muuqaalkan bukaanka lagula soconayo
Dr Alistair Story oo qayb ka ahaa barnaaamijkan muuqaalka ah ee tijaabada ah ayaa sheegay in haddii hawshan ay “gacan ka gaysato Qaaxadda ay sidoo kalena gacan ka gaysan doonto la tacaalidda xannuunada kale”.
Johnny ayaa hadda ku sii dhaw dhamaadka dawayntiisa. Wuxuu sheegay in cillado kale u keeneen dhamaan dawooyinka uu qaadanayo, wuxuu sheegay in ay timuhu ka daadanayaan, lugta bidixna ay hawlgab noqoto mararka qaar.
Wuxuu intaas ku daray in ay adag tahay in dawada la joogteeyo, uuna rajaynayo in uu isagu sidaa ku guulaystay uuna ugu dambayn ka xoroobi doono Qaaxada.