|

War-baahinta Kenya Oo Weerarkii shalay Kala Mid Dhigtay midkii 11-kii September Lagu Qaaday Maraykanka

 

Nairobi:22-Sep-2013(SDN)-War-baahinta kala duwan eek a soo baxda Dalka Kenya oo si isdaba joog ah u tebinaysay wararka Weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsi eek u taalla Nairobi, ayaa gaadhsiiyey meel sare oo Buun-buunin ah.

wararka kenayWar-baahinta ayaa intooda badan sheegay in weerarkan lagu qaaday Xarunta Westgate Mall uu la mid ahaa midkii lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee maraykanka ku yaallay Dalka maraykan ee umadda badani ku halligantay.

 

Warbaahinta Kenya ayaa ilaa iyo haatan si Toos ah u Tabinaysa mashaqadii ka dhacday Kenya, waxana ay sababteeda dusha ka saaraysaa dawaldooda oo ay ku eedaynayaan inay amniga muwaadiniinta hanan kari la’dahay.

Sidoo kale Qasaaraha ka dhasahay ayaa soo kordhaya, waxaana ay geeridU maraysaa haatan ilaa 40- qof iyo 70- qof oo dhaawac ah.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horreeyey oo Noociisa ah ee si qorshaysan muddo saacado ah loogu qabsado maamulka goob ku taalla caasimad si weyn ammaankeeda loo ilaaliyo oo ay deggen tahay xukuumadda Kenya, waxana ay arrintani keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo ammaanka guud ee waddanka Kenya.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed