” Waqti Yar Ayay Nagu Qaadaneysaa In Aan Garoowe Qabsanno” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Dowlada Soomaaliya Eedeyn Culus u Jeediyey DAAWO
Hargaysa 08. January 2018 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha xisbiga mucaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay dagaalka haatan kala dhaxeeya Puntland isaga oo ku goodiyay in ay waqti ku qaadaneyn in ay qabsadaan magalaada Garoowe ee maamulka Puntland.
Isaga oo waramayay Eeyal TV waxa uu sheegay sid auu hadalka uu u dhigay in dagaalkaas ay uga hor tagayan dhul balaarsi maamulka Puntland doonayaan in ay sameeyaan
“Waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka geesiyada ma soo jeestayaasha ah iyo madaxwyne Muse Biixi oo qaaday talaabo uu ku soo celinayo deeganada Somaliland ka maqan waa talaabo hor mar leh” ayuu yiri Faysal cali warabe
Waxa uu siyaasigaan reer Somaliland xusay in ay jiraan qorshayaal Puntland , dolwada Somalya iska kaashanayaan oo ku aadan gobolada Sool iyo Sanaag waxa uuna soo hadal qaaday madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka qorsheynta Somalila.
” Ma jirto cid qaadan karta dhul Somaliland ah si waliba oo la isu baheysto ” ayuu sii raaciyay Faysla cali warabe