Waqfiga Madaxweynuhu Wax Ma Ka Tarayaa Liiska Tabashooyinka ee Reer Gabiley La soo Taagan yihiin?
Gabiley Oct 15,2012(SDN/Hubaal) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Roogag Cusub ugu ugu Deeqay Masjid Jaamaca Magaalada Gabiley oo uu Maalintii Jimcihii ku tukaday. Sida ay qortay shabakada wararka ee Gabileynews, deeqdan ayaa gaadhay masuuliyiinta masjid jaamaca Gabiley, sida uu sheegay Imaamka Masjidkaas Sh. Cabdiladiif Muxumed Gaboobe oo xaqiijiyey deeqdaas in madaxweynuhu u soo iibiyey roogag ay masjidka dhigaan, “Haa…waa lana soo gaadhsiiyay roogagii”ayuu yidhi Sheekhu waxaanu intaa ku daray “Si Fiican ayaa lanoo soo gaadhsiiyey”. Deeqdan Rooga ah, ayaa mar kale sheeko xiiso badan ka abuurtay Magaalada Gabiley, waxaanay hoos u dhigtay dareeno kala duwan oo daaranayd Booqashada madaxweynuhu. Rooga madaxweynaha Somaliland waqfiga u siiyay oo marka dhinac laga eego aan wax Cadiifad ah lagu lamaanayn Karin, ayaa hadana dadku leeyihiin ma waxqabadkii Gobolku filayay ayaa isku bedelay Roog Masaajid la dhigo.
Dadka Reer Gabiley ayaa wakhtigan u buka dhawr arrimood oo aanay ilaa hadda Xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo fulin, kuwaas oo xisbiga KULMIYE u balan qaaday xiligii Ololaha doorashooyinka lagu jiray.
Nuxurka Tabashada Bulshada reer Gabiley ayaa salka ku haysa meel-marinta Gobolka Gabiley oo aan wakhtigan Sharciyadiisa la dhamaystirin, waxaanay ku doodayaan in xukuumadda Kulmiye ku wacad-furtay hir-gelinta Gobolnimada Gabiley oo Madaxweyne Siilaanyo Fagaarayaasha Gabilay kaga Baanay Wakhtigii Ololaha “Madaxweyne Ilaahbaan kugu dhaariyee Gobolnimadii aad balan qaaday ma waxay ku dambeysay inaad Gabiley Dhuumasho ku soo gasho”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Wax-garadka Gabiley.
SDN-Gabiley
contact@somalidiasporanews.com