|

“Walllaahi Ninka Dulmi dugsaday ee Caddaalad daro dugsaday ee Musuqmaasuq dugsaday,isagaa wax is-yeelay If iyo Aakhiraba”. Dr Xuseen Xoog DAAWO

Hargaysa 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee Xukumadda Siilaanyo Dr Xuseen Xoog, Ayaa khudbad ka jeediyay Munaasibad Xubno Siyaasiyiin isbedel doon ah oo Kulmiye ku jiray ay kula midoobayeen Xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay in sababta ay ugu biireen Waddani ay tahay sidii isbedel caafimaad qaba oo dawladdeed loo heli lahaa islamarkaana Dalka loo badbaadin lahaa .

Dhanka kalena waxa uu Xuseen Xoog u jawaabay Xubno ku dhaliilay ku biiritaankiisa Xisbiga Waddani “Walaalayaal, waxaan xalay TV-ga qaranka ku arkaayay, Nin aanu Saaxiib dhawna aanu nahay, Ehel dhawna aanu nahay,Ninkaasi wuxuu yidhi Waxaad iga qortaan Ninka guuray ee Xisbigiisii ka guuray ee meel kale u guuray isaguun baa wax is yeelay ee cid kalena wax tari maayo.

Comments are closed