“Wallaahi Waa Layska Celinayaa Oo Cidna Kama Qoriweyna, Cidna kama Ciidan Badna, Halgankii SNM-na Wali Muu Dhammaan.”Muj. Ibraahim Dhegoweyne
Hargeysa:10-Dec-2013(SDN)-Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne oo haatan ka tirsan madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa ka Hadlay Tacaddiyada ay dhawaanahan xukuumaddu la soo baxday iyo Cabudhinta ay ku haysto Xorriyatul-qawlka.
Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne oo maalintii shalay la hadlay Saxaafadda Somaliland, ayaa ugu horrayn soo hadal qaaday dhibaatada ay xukuumaddu ku hayso Axsaabta qaranka, isagoo tilmaamay inaan sidaas lagu sii wadi doonin oo iska caabini dhici doonto “waxaa dhacaya ee Xisbiyada lagu samaynayo, ee saxaafadda lagu samaynayo, ee dastuurka iyo sharciga lagu burburinayo, hadii ay joojin waayaan waa layska celin oo dadku way kici, walaahi waa dib loogu joojin maayo oo waa layska celinayaa, cidna kama qori weyna, cidna kama ciidan badna”ayuu yidhi.
Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego-weyne,ayaa sidoo kale ku dooday inaanu dhamaan Halgankii SNM ee xoreynta Dalka, ilaa laga helayo nidaam toosan oo dalka iyo dadka Daacad u ah waxana uu y idhi,“waxaan leenahay Halgankii SNM muu dhamaan ee wuu socdaa, dadkuna way iska celinayaan inamadan yar yar ee wixii laga soo dagaalamay dalka ku celinaya, ee waxan samaynaya aynu arkayno, ee sharciga ku tumanaya”.
Mujaahid Ibraahim dhegoweyne ayaa ah hormoodka Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, waxana hadalkiisani ka dambeeyey Tacaddiyo is Xigxigay oo ay xukuumaddu waayadan ku haysay Saxaafadda, Axsaabta Mucaaridka ah iyo Cidkasta oo isku dayda inay Ra’yi ka dhiibato Xaaladda haatan dalka ka taagan oo lagu kala aragti duwan yahay.
S.D.N.