|

“Wallaahi uga Dulqaadan mayno Ka Derejada Maanta Haya Xilka Uu Doono Qaranka haka hayee Inuu Cashuurta Dalka Diido…”Wasiir Caddaani

Hargeysa:April,17,2015(SDN/QJ)-Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa  Luuqaddii ugu adkayd kula Hadlay Masuuliyiinta Xilalka kala duwan ka haya Xukuumadda Talada Haysa ee Segsaagga Geliya Bixinta Cashuurta ku Waajibtay Gaadiidkooda iyo Hantidooda ay gaarka u leeyihiin.

caddaanigaWasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiir(caddaani) oo warbaahinta La Hadlay ayaa farriiin kulul Hawada u mariyey Masuuliyiintaas caadaystay inay lexejeclaystaan Cashuurta ku waajibtay, waxana uu ugu baaqay inay iska bixiyaan wixii cashuur ah ee Hantidooda gaarka ah lagu leeyahay, waxana uu uga digay in xilalka ay hayaan u adeegsadaan la baxsashada cashuurta,

“Ama Garsoore ha ahaado, ama wasiir  ha ahaado ama nin derejo sida oo ciidanka kamid ah ha ahaadee waxan ka codsanayaa oo faraynaa baabuurta ay wataan ee gaarka ah marka la joojiyo inaanay awoodda Dawladda isticmaalin ee sida muwaadinka somaliland ay cashuurta u bixiyaan. haddii ay guryahooda tahay, haddii ay Ganacsigooda tahay iyo Haddii ay baabuurkooda tahay looma adeegsan karo Derejada qaranka somaliland in cashuurta dalka lagu diido, suurtana gelimayso in  islaanta tamaandhada iibisa ee lacagtaas laga soo qaaday derejadaas ama xilkaas lagu bixiyey inuu sharciga u diido walaahi inaanaan aqbalaynin.”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid isaga oo hadalkiisa sii wata, ayaa uga digay Masuuliyiinta xilalka haya inay haddidaad gaadhsiiyaan shaqaalaha u dabran ururinta cashuurta, waxana uu xasuusiyey sida ay muwaadiniinta shacabka ahiba ugu heellan yihiin Bixinta Cashuurta, waxana uu yidhi,

“Waxan ka codsanaynaa Masuuliyiinta maanta dalka joogta inuu mid waliba shaqaalihiisa iyo madaxdiisa amro oo gaadhigiisa ninkii aan cashuurin ama gurigiisa aan cashuurini uu cashuurta sida ugu dhakhsaha badan u bixiyo, mana doonayno nin bahdila shaqaalahayaga, Hadii uu askari yahay iyo Haddii uu kastamada jooga waliba uga dulqaadan mayno ka derejada maanta haya xilka uu doono qaranka haka hayee. Iyadoo ay muwaadiniinta somaliland cashuurta bixinayaan.”

Waxa uu Wasiirku Masuuliyiinta Xilalka kala duwan Xasuusiyey in Gaadiidka ay wataan laga dhigi doono, haddii la ogaado inaanay bixinin cashuurtii ku waajibtay, isla-markaana aanay waxba kaga duwayn kuwa shacabku leeyahay ee sida sharafta leh u bixinaya Cashuurta, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlay uu yidhi,

“Cidda xilka haysa ee Baabuurtoodu aanay cashuurnayn  ee jidka marayaanow ha isku dayina inaad xilka aad qaranka u hayso adeegsato, Gaadhigaana waad dhigaysaa wixii cashuur ku waajibtana waad Bixinaysaa.”

Waa Lahjaddii ugu adkayd ee Wasaaradda Maaliyaddu kula Hadashay Saraakiisha xukuumadda iyo Golayaasha kala duwan ee Qaranka katirsan, waxana Masuuliyiinta intooda Badani caan ku yihiin inaanay cashuurta ka Bixinin Hantidooda, xillli culayska la saaro Shacabka Danyarta ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed