Wall Street Journal:Isbedelo ka hirgala Iran waxay u baahan yihiin inay is bedesho siyaasadaha Aayatullaahi Khumayni
Washington June 21,2013(SDN)-Wargayska dalka Maraykanka ee Wall Street Journal ayaa salaasadii todobaadkan waxa uu baahiyey in inkastoo uu madaxweynaha cusub ee Iran Xasan Rooxaani uu ku ballanqaaday inuu talaabo ka qaadi doono xalinta khilaafaadka ku saabsan Barnaamijka Quwadda Nuclier-ka ee u dhexeeya dalkiisa iyo wadamada galbeedka hadana in gaadhitaanka himiladaasi ay u baahan tahay in ay wax iska bedelaan siyaasadda hogaamiyaha kacaanka Iran Aayatullaahi Cali Khumayni, maadaama Xasan rooxaani aanu si madax banaan gacanta ugu qabanayn siyaasadda arimaha dibadda ee jamhuuriyadaasi.
Wargaysku waxa uu yidhi dalalka midowga Yurub, wadanka Maraykanka iyo dunida carabtuba waxay si weyn u soo dhoweeyeen guusha uu gaadhay madaxweynaha cusub ee Iran inkastoo ay dhamaantood sheegeen inay weli goor hore tahay in la yidhaahdo Madaxweynaha cusub waxa uu si degdeg ah u qaadi doonaa dhabbo siyaasadeed oo ka duwan tii uu ku socday Cali Khumeyni, xilli ay shacabka Iraaniyiintu u arkaan in madaxweynaha cusub yahay mid hakinaya sanadihii badnaa ee ay soo socotay siyaasadda mowqifka adag, isla markaana uu dalkoodu galay xilli isbedel oo laga gudbi doono khilaafaadkii u dhexayn jiray Hogaamiyayaasha kacaanka iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Najaad
wargaysku waxa uu leeyahay siyaasadaha waaweyn ee xiligna saamaynta la leh jamhuuriyadda Iran sida barnaamijka quwadda nuclierka, xidhiidhka iran iyo Maraykanka iyo dagaalka ka socda Suuriya waxay u muuqdaan arimo ka baxsan awoodda Madaxweynaha oo aanu ka gaadhi karin go’aan ka madaxbanaan hogaamiyaha kacaanka, xilli xidhiidhka dhow ee u dhexeeya Xasan Rooxaani iyo Cali Khumayni uu isaga laftiisu hakin karo isbedelo ka yimaadda dalka Iran.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com