|

‘’Walaalaheen Somaliland Godob baa Laga Galay, Godobtii Laga Galayna Nin Soomaali ah Oo Soomaaliya Madaxweyne Kasoo Noqday Oo Yidhi….” MS.Canab Maxamed Daahir

Hargeysa,17Aug,2015(QJ/SDN)-  Canab Maxamed daahir oo ah Haweenay u sharraxan xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay shakabaddan Qurbejoog.com ku sheegtay in dadka reer Somaliland la dulmiyay oo godobo laga galay, iyadoo canab sheegtay in aan weli laga garaabin godob ay sheegtay in laga galay shacabka Somaliland, ‘’Walaalaheen Somaliland godob baa laga galay, godobtii laga galayna nin soomaali ah oo soomaaliya madaxweyne kasoo noqday oo yidhi ma jirto walaalayaaloow walaalaheen baad ahaydeen, dhibka aanu idiin gaysanayna waanu idinka xaal marinaynaa, waxa waddanka soo galana xaqq baanu u wada leenahay, nala qaybsada waxan aanu hayn..’’ ayay tidhi Marwo Canab.

MARWO CANAB MAXAMUUD DAAHIR

Canab Maxamed Daahir sidoo kale waxay sheegtay in haddii Madaxtinimada Soomaaliya ay ku guulaysato aanay arrimaha Somaliland ku degdegi doonin oo ay aad uga fiirsan doono, waxayna sheegtay in marka ay Soomaaliya arrimaheeda kasoo faraxalato ay Somalilandna usoo jeedsan doonto waa haddiiba madaxweyne loo doortee. ‘’Somaliland waa dadka aan odhan doono geedka hoostoosa ayaan ku heshiinayna, Somaliland waa walaalahay waan midowbaynaa dad aanu kala go’i karnana maahan, xal baana loo heli Somaliland, laakiin imika anigu Somaliland faraha lama galayo,waxaan u baahanay horta inaan soomaaliya soo mideeyo oo aan soo dejiyo oo aan nabedgalyo ka dhigo..’’ ayay tidhi canab.

Si kastaba ha ahaatee dhawaanahan ayaa waxa soo badanaayay haweenka isku soo taagaya xilka madaxtunimo ee Soomaaliya iyadoo canab ah haweenaydii ugu horraysay ee ku dhawaaqda inay sharraxantahy.

Comments are closed