“Walaahi bilaahi hadii Wadankayga la iga dajin waayo Aniga iyo Caruurtayduba Bada ayaan isku ridaynaa” Dhacdo Fool Xun Iyo Marsada Berbera DAAWO
Berbera 29.May 2015 (SDN/QJ)- Waa dhaqan aan ku wanaagsanayn wada dhalashada iyo diinta islaamkaba in tacadi loo gaysto dad maati ah oo ka soo cararay Qalalaasaha ka aloosan dalka Yemen.
Waxay dadkani saarnaayeen Markabkii ay Yemen ka soo raaceen saarnaayeen Sadex Cisho,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa dadkan u kala saaray Somalia, Somaliland iyo Yemen, Waxaana Markabka laga soo dejiyay dadka u dhashay Somaliland iyo Yemen iyo Hal qoys oo si farsamaysan u sheegtay inay Somaliland u dhasheen,Xubno haween ah ayaa Cod dheer markabka kaga soo dul tuuray Warfidiyeenka iyo Mas’uuliyiintii halkaas joogtay.
Haweenka saddexda ah ee hadlaya hadba mid baan muuqeeda arkayaa, mid ka mid ah oo xambaarsan ilmo yar oo aan maleeyay inuu hurday, laba carruura oo kala yarna dhinacyada haysteen ayaa dhawaaq dhiileysan ku muddey cod duubaha Kamaraddii dhankeeda ku jeeday “Carruur yaryar baanu haysanaa oo way naga xanuunsanayaan.. Markabka ayaanu ku soo rafaadney ee maxaad Rafaadka noogu waddaan..” ayay ku calaacashay iyada oo farta ku fiiqeysa ilmaha ay xambaarsan tahay “Markabka naga dejiya ama na celiya..” ayay si daalan u raacisay. Laakiin haweenay kale oo sheegtay inay dagaallada Yemen kala soo qaxday 13 carruur ah, ayaa markii ay aragtey inaan loo jawaabeyn haweenayda ka horeysay ayaa hadal cadho awood la’aaneed ka muuqata ku tidhi “Anigu Koonfurta Soomaaliya ayaan u dhashay, laakiin imika uma socdo, waxaan rabaa inaan Burco iyo Hargeysa carruurta ku korsado ee waxaan codsanayaa in Markabka la naga dejiyo oo nasanno, dabadeedna annaga ayaa is debareyna’e..”
Inta labada hooyo hadlayaan waxa isaguna meel ku dhow ka hadaya odeyga timaha cad leh, waxaanu leeyahay isaga oo aanay kamaraddu u qasdiyin dhankiisa “Anigu haddaan reer Koonfur ahay, xaaskaygaa Isaaq ehe Markabka ha la naga dejiyo..”.
Berbera SDN/QJ