Walaac Hor leh oo Qaramada Midoobay ka Qabto Weeraro loo Gaysto Xarumahooda Muqdisho
Muqdisho 18.October 2013 (SDN)- Warbixin ay soo saarty Qaramada Midoobay ayaa waxa lagu sheegay in mar kale ay Macquul tahay in kooxda Al Shabaab ay weeraro ku qaadaan Xarumaha ay Qaramada Midoobay ku leedahay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan QM uu u kuurgalay Baaritaanka la sameeyay.
Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku dartay in Magaalada Muqdisho ay ka dhici karaan Weeraro Argagaxiso sida laga ogaaday Qiimayn dhanka Amniga ah oo ay si wadajir ah u sameeyeen Midwoga Africa iyo Qaramada Midoobay.
Hadalkaasi ay ka soo baxay Qaramada Midobay ayaa waxa uu dhaliyay in Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon uu ku baaqo in Kumanaan ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Soomaaliya si ay ula dagaalaman falaagada Al Shabaab, ayna u xoojiyaan Amaanka Xarumaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Ban ki Moon ayaa sidoo kale ka codsaday Dhamaan Xubanaha Golaha Amaanka iyo dowladaha Caalmakaba in ay gacan ka gaystaan sidii loo hagaajin lahaa Amaanka ee Qaramada Midoobay Muqdisho ku leedahay.
Waxa uu Ban ki Moon carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay in Ciidamo dheeraad ah la geeyo Xarunta ugu wayn ee Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya ee ku taal Wadada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho .
Xoghaya Guud ee QM ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in ku dhawaad 150 saraakiil Boliis oo gaar ah oo ay ilaaliyaan Amaanka Shaqaalaha Qaramada Midoobay isagoo ka dalbaday dowlada Federaalka Soomaaliya in ay si dhaqas leh uga jawaabto dalabka Qaramada Midoobay.
19 kii June Sanadkan 2013 ayaa falaagada Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta ugu wayn ee Qaramada Midoobay Soomaaliya ku leedahay halkaas oo 15-ka qof ay ku dhinteen ay ku jiraan 4 ruux oo Ajanabi ah oo kala ahaa 3 u dhashay Koonfurta Afrika iyo hal qof oo Kenyan ah.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com