|

Wakiillada Somaliland Oo Sabab La Yaab Leh Codka Ansixinta Ugu Diiday Wasiir Xukuumadda Ku Cusub, Kana Reebay Hurin Wasiirro shalay La Ansixiyey

Hargeysa:April,12,2015(SDN/QJ)-Golaha Wakiillada ayaa taariikdooda markii ugu horraysay hor istaagay Ansixinta Mid kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada oo kahor inta aan xilalka Xukuumadda loo dhiibin lasoo mariyo aqalka Wakillada.

sa'Wasiirka shalay la celiyey, ayaa ahaa Wasiirka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse ooh ore u ahaan jirey Maayarkii Degmada Gabiley, waxana laga reebay Hurin wasiirro iyo wasiir-ku-xigeenno ah oo shalay la ansixiyey.

Sababo tiro badan ayaa la sheegayaa in wasiirkan Ansixintiisa loo diiday, waxase Goluhu tilmaamay in wax Badani ka qaldan yihiin Cv-ga uu soo gudibiyey, iyadoo lagu arkay waxyaabo badan oo aan sharciga waafaqsanayn, kuwaas oo Da’diisu ugu horrayso.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyey in Da’da u qorani ay ka Yartahay midda sharciga ah ee Golaha wasiirrada lagu geli karo, waxana isla-goobtaas loogu sheegay inuu CV sax ah soo qaato, isla-markaana  uu maalin kale hor yimaaddo aqalka golaha Wakiillada si uu calafkiisa halkaas uga qaado.

Qodobada Galaaftay Masuulkan ayaa kuwooda ugu Culusi ay ahaayeen kuwo isaga laftiisu kusoo qortay Gacantiisa una soo gudbiyey golaha waxaana waxyaabaha Shucayb Eeday kamid ahaa kadib kolkii laga akhriyey Cv-giisi uu golaha usoo gudbiyey Da’da ama Cimriga uu jiro ee usoo qortay oo noqotay fooqal Caqli aan cidina qaadan karin waxaana X-maayar Shucayb sheegtay inuu dhashay 1980 taaso sharciyan Xaaraan ah in golaha wasiirada Somaliland uu kamid noqdo qof da’diisu ka hoosayso 36jir, waxaa iyadu qayb ka ahayd waxyaabaha shucayb saaka ka reebay ragii mar lawada magcaabay goluhuna ansixiyey Jaamacad  aan jirin oo ninkani ku darsaday CV-giisa.

Sikastaba ha ahaatee waxaa goluhu warqada QABADKA ka dhigtay Shucayb u gudbiyeen madaxtooyada iyagoo u sheegay inaanu kani ka soconayn ee ku kale ay keenaan, islamarkaasina uu mudanaha la diiday shaqada xilka Wasaaradaasi aanu ka ag wareegin una hogaansamo dhawrida qawaaniinta qarankani leeyahay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed