Wakiillada iyo Guurtida Oo Maanta u Ballansan Inay Fadhi Wada Jir ah Ka Yeeshaan Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare
Hargeysa:Jun,03,2015(SDN/QJ)-Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta u ballansan inay codka kalsoonida ah u qaadaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacabay.
Fadhigan oo laba maalmood ka hor lagu baaqay, ayaa la filayaa inay Mudanayaasha labada aqal si weyn uga soo qaybgeli doonaan, waxana halkaas lagu lafo guri doonaa Shakhsiyadda Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare, iyadoo la dul istaagi doono sida uu awood ugu yeelan doono hanashada Xilka adag ee loo magacaabay.
Aadan Xaaji Cali oo dhawaan uu madaxweynuhu xilkaas u dhiibay, ayaa sida sharcigu qorayo ay waajib tahay in lasoo mariyo fadhi wada jir ah oo labada Aqal ay yeeshaan, waxana, haddii uu codkooda helo si rasmi ah uu u noqon doonaa Guddoomiyaha maxkamadda.
Saadaasha ayaa sheegaysa inuu si fudud codkooda u heli doono, maaadaama uu yahay xubin da’yar oo aan kusoo qasmin Xaaladaha liita ee Garsoorka dalka, waxana shacabka intiisa badani u hanweyn yihiin inuu wax ka qaban doono Heerka liita ee uu maanta garsoorka waddanku ku jiro.
Dhawaan ayey ahayd markii fadhi wada jir ah oo ay labada aqal yeesheen inay ku ayideen degreeto uu madaxeyne Siilaanyo Xilkii Guddoomiyenimada Maxkamadda sare kaga xayuubiyey Yuusuf Ismaaciil Cali oo muddo shan sano ku dhaw xilkaas soo maamulay, isla-markaana horseeday inuu hoos u dhaco Kalsoonida shacabku ku qabaan Garsoorka waddanka.
SDN/QJ