Wakiilkii Soomaalida u Fadhiyey Switzerland Oo Qaraxii Hutel Maka Al-mukarraha ku Geeriyooday Iyo Madaxda Xukuumadda Oo Tacsi u Diray
Muqdisho:Mar,28,2015(SDN/QJ)-Wakiilkii Somalida u fadhiyey Xarunta Xuquuqa Insaanka ee Geneva Yuusuf Bar Bari,, ayaa noqday masulkii ugu horreeyey eek u geeriyooday qaraxyadii Shabaabku shalay ku qaadeen Gudaha Hutel Makkah Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Wakiil Barbari, ayaa u geeriyooday Dhaawac culus oo kasoo gaadhay rasaas nin hubaysan oo kooxda kamid ahi ku weeraray xilli uu hutelka dhexdiisa ku sugnaa, waxana uu ku geeriyooday Cisbitaalka Madina.
Inta Badan Madaxda Dawladda oo uu ugu horreeyoMadaxweyne Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, R.wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid iyo Xubnaha Labada Gole ee dowladda ayaa umadda soomaaliyeed uga tacsiyeey Geeridii ku timid Wakiilka dowladda soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Aadanaha Ee Geneve Yuusuf Maxamed Ismaaciil.
Alaha u naxariistee Yuusuf Baribari ayaa ahaa Diblumaasi ka soo sheqeyay dalal badan oo caalamka.
Madaxda Qaranka Ayaa sidoo kale Tacsi Tiiraanyo leh u diraya ehelada dhamaan dadka ku geeriyooday weerarkaasi iyagoo alle ugu baryay in janadii firdowsa ka waraabiyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com