|

Wakiilkii Qaramada Midoobay u Qaabilsanaa Arrimaha Dalka Yemen oo Is Casilay iyo Sababaha keenay

New York:April,17,2015(SDN/QJ)-Xiisadaha colaadeediyo rajo la’aanta ka aloosan dalka yemen, ayaa keentay in Wakiilkii Qaramada Midoobay Dalkaas u qaabilsanaa istiqaaladiisa gudbiyo.

benoDiplomaasiyan oo u dhashay wadanka Morocco ayaa u sheegay xog hayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki moon in haatan la gaadhay waqtigii uu shaqadii uu ka hayey gudaha Yemen uu soo af jari lahaa.

Hase ahaatee waxa uu balan qaaday in uu ka caawin doono wax kasta oo ku saabsan arimahaasi, si mutadawacnimo ah.

Xog hayaha qaramada midoobay Ban Ki Moon ayaa wakiilka uga mahad celiyay dadaalladii uu soo qabtay intii uu howshiisa ku guda jiray.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee wadanka Yemen Ali Abdalla Salex ayaa wadamada carabta ugu baaqay in ay siiyaan wado uu uga boxo wadanka Yemen.

Salex ayaa hogaamiyaasha dalalka gacanka carbeed u diray fariin uu ugu baaqay in ay gacan ku siiyaan sidii isaga iyo qoyskiisa ay si nabad ah ugasoo bixi lahaayeen wadanka ay colaadaha ba’an ka aloosanyihiin.

Ali abdalla Saleh oo mudo dheer madaxweyne ka ahaa Yemen ayaa horaantii sanadkii 2012-ki lagu qasbay in uu xilka iska casilo kadib markii ay xoogeysteen kacdoonadii xukunkiisa looga soo hor jeeday ee dalkaasi ka qarxay 2011-ki.

Hogaamiyahaan oo wali saameyn xoog leh siyaasada dalkaasi ayaa lagu eedeynayay in uu qeyb ka yahay xiisadaha ka taagan Yemen.

Comments are closed