Wakiilka Xajka Ee Soomaaliya Oo Jawaab Ka Bixiyay Xujaaj Soomaali Ah Oo La Sheegay In Ay Diideen Ku Soo Noqoshada Soomaaliya.
Riyad,16Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxa arrimaha xujeyda Soomaalida Axmed Luqmaan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay warbaahinta, oo lagu sheegay in ay xujaaj Soomaali ah oo ka mid ahaa xujaajtii sannadkan soo xajiday ay diideen in ay dalkodii dib ugu laabtaan, sidaana waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay magaalada Jeddah, ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia.
Wakiilka arrimha Xajka ee Soomaaliya, Axmed Luqmaan, waxa uu tibaaxay in aanay ilaa hada haynin xujaaj Soomaali ah oo diiday in ay Soomaaliya dib ugu soo noqdaan, isaga oo intaa ku daray in hawlihii dib u soo noqoshada xujaajta Soomaalidu ay si fiican u socoto.