|

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo la Kulmay Duubabka Dhaqanka ee Punt land

Garowe 21.October 2013 (SDN)- Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Nicholas Kay ayaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan kula qaatay qaar ka tirsan Ismada Puntland.

Kay-iyo-isimada-Puntland-300x168Kulanka oo intiisa badan ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka Puntland ee sanada 2014-ka ayaa ahaa mid uu albaabada u xirnaa.

Suldaan Saciid Maxamed Kalaase oo u hadlay Isimada ayaa sheegay in dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen Danjiraha ay quseeyeen qaabka soo xulista mudanayaasha baarlamaanka ee Puntland iyo sidii loo xaqiijin lahaa in si nabad ah u dhacdo doorashada Puntland.

Dhankiisana Kay ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay kulankani, isla markaana uu soo dhoweenayo in Isimada ay u xaqiijiyeen 5 dumar ah in ay ka mid noqonayaan dadka u soo xulayaan baarlamaanka.

Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hoggaaminayo danjiraha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Nicholas Kay uu gaaray magaalada Garoowe.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed