|

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Dhibaatada Khilaafka Hoggaanka Dalku Ku Hayo Horumarkii La Higsanayey

Muqdisho:June,05,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Sare ee Midowga Afrika eek u sugan Somalia ayaa si cad uga Hadlay Khilaafka  soo shaacbaxayey Muddooyinkan Dambe ee u dhexeeya Madaxda sare ee Dawladda Federalka Somalia.

anadaMidowga Afrika waxay sheegeen inay khilaafkaasi yahay mid dhabarka ka jabinaya dedaalada la rabo in lagu gaadho hiigsiyada 2016-ka oo ay ka mid tahay in dalka la gaadhsiiyo Doorashooyin shacabku  ku dooranayaan Madaxweynihii ay doonayaan.

Ninka Wakiilka  uga ah Midowga Afrika  Soomaaliya isla-markaana hoggaamiya howgalka AMISOM, Maxamed Saalax Annadiif ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ka xun yihiin khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda, wuxuuna intaas ku daray in arrintaas ay kala dhantaaleyso howsha ay ka hayaan Soomaaliya.

Wuxuuu madaxda Soomaalida ka codsaday in ay ka yimaadaan tanaasulaad si loo gaadho hiigsiga la lee yahay sannadka 2016-ka.

Anadiif ayaa carrabka ku dhuftay jiritaanka Maamulo aan dawladda Xidhiidh la lahayn oo caqabado ku ah Hawlaha AMISOM ka waddo Somalia.

Waxa uu shaaca ka qaaday in Al-Shabaab laga qabsaday ilaa 10 magaalo oo muhiim ah balse caqabado ay AMISOM kala kulantay magaalooyinkaas maadama Shabaabka ay gooyeen waddooyinka oo ay go’doomiyeen.

Danjire Annadiif ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada dowladda ay qabteen arrimo muhiim ah marka loo eego dagaalka lagula jirro Al-Shabaab, balse wuxuu xusay in ay u baahan yihiin taageero sida qalab iyo rasaas.

Wuxuu kaloo sarkalkan tilmaamay in AMISOM aaney sii joogi doonin Soomaaliya oo haddii la gaadho 2016-ka oo ay doorasho ka dhacdo dalka sannad kaddib in ay billaabi doonaan in ay ka baxaan dalka, “Balse arrimahaas oo dhan nooma muuqdaan kuwa hadda hirgalaya” ayuu yidhi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed