Wakiilada oo Meel Mariyay Xisaab Xidhka Lix Sannadood iyo Mudanayaal Sida Fiinta uga Qayliyay DAAWO
Hargaysa 10.Jan 2015 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab xidhada 2008 ilaa 2013-ka oo ah Xisaab xidhada muddo 6 sanno ah. Mudaneyaasha qaar kood ayaa ku macneeyay ansixintaasi mid aan haboonayn, una baahnayd akhrin iyo dood si looga baaraan dago balse aqlabiyada oo ahayd mudaneyaasha muxaafadka ah ayaa aqlabiyad ku ansixiyay.
Fadhiga oo uu Gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka soo xaadiray 59 mudane, waxaana cod loo qaaday Xisaab xidhyada Ogolaaday 43 mudane, Waxaa diiday 13mudane, Waxaana ka aamusay 2 mudane, Gudoomiyuhuna ma codayn, sidaasna way ku ansaxday.
Mudaneyaal Mucaaradka ka tirsan oo ka dib kulanka hadlay ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid si kadis ah loo soo dhigay islamarkaana ay haboonayd in dood la galiyo lana soo akhriyo. waxay sheegeen inay ka muuqdaan madmadow muujinaya Musuqmaasuq oo ku jira xisaab xidhada.
Gudoomiyaha Guddida dabagalka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka Maxamed Cali Xirsi(Obama), ayaa sheegay inay tahay markii u horaysay ee 10 sanno oo goluhu jiray la keeno Xisaab xidh, haddana la majaro habaabiyay. waxa uu sheegay inaan madmadowga iyo khaladaadka xisaabeed ee ku jiray Xisaab xidhku ahayn mid qof Alle ka cabsanayaa farta u taago balse si sharciga baalmarsan loogu codeeyay.
“Xisaab xidhka Macnihiisu waxa weeye, in Miisaaniyaddii Goluhu ansixiyay sanadkii hore sidii Loo Isticmaalay xeerkii ma loo raacay?, Siday ahayd ma u soo baxday? Su’aalahaas ayuu Xisaab xidhku ka jawaabayaa. Waa Qodob dastuuri ah oo Golaha u yaala inuu Goluhu ansixiyo ama wax ka bedelo ama uu diido. Waa markii u horeysay ee 10-kaas Sannadood ee goluhu jiray uu Qodobkaas dastuuriga ah u soo fadhiistay ee uu wax ka eegay, waligii Golaha Xisaab xidh lama keeni jirin ee Guddidan ayaa keentay oo ka soo shaqaysay in Goluhu eego siday u eegtahay Xisaab xidhkani” Ayuu yidhi Xildhibaan Obama
Mudane Maxamed Cali Xirsi waxa uu sheegay inaan Xisaab xidhadan lagu samayn wax akhris iyo falanqayn ah “Waxa dhacday in Xildhibaano aan akhriyin la soo Ururiyay Xalay oo la yidhi farta u taaga. waxaanu qabnaa inay arrintaasi tahay Inqilaab Xisaabeed oo meesha ka dhacay, waxaanu qabnaa inaanu haba yaraatee Goluhu ku shaqayn karin shaqada noocan ah, waxaanu qabnaa in eedaha ugu waaweyn ee Golaha saarani tahay waxyaabaha noocaas ah.
Nin dhan oo Masuul ah oo la soo doortay oo hadduu doono aan iman jirin Golaha oo inta loo yeedho la odhanayo kaalay farta taag waxaan arkaa inay tahay Masiibo golaha haysata. waxaanu leenahay Qaranku ha arko,Bulshadu ha aragto lama ogola in Goluhu shaqeeyo,Guddi shaqaynaysa oo samcadda Golaha ilaalinaysana lama ogola” ayuu yidhi Xildhibaanku